![]() |
Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda: Siyaasadda iyo Xukunka Soomaaliya |
Dastuurka |
Garsoorka |
Qaybaha kale |
Doorashaddii ugu dambeeysay ee Soomaaliya waxay dhacday Sideetanaadkii Xiligii Dawladdii Kacaanka.
Waxay ahayd in ay dhacdo doorasho guud ee dadku sameeyaan 2012 laakiin ma dhicin, Baarlamaankana waxaa soo xulay Odayaal dhaqameed, Walina ma jiro wax Dastuur ah oo la iskau raacay waloow uu jiro mid kumeel gaar ah kaas oo wali dadku aysan Afti ku ansixin Dastuurka Soomaaliya.
Doorasho loo dhanyahay waxaa ugu dambaysay Somalia in la qabto sanadkii 1980s, xilligi dawaladi hanti-wadaaga. Inkastoo Doorashooyn dadwayne la qorsheeyey in la qabto 2012, laakin ma dhicin. Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaliya wuxu xusayaa habka doorashada axsaabta. waxan ladonya in si casaal ah loo simo dadka somaliyed oo loo firen qabyalka ka soo jaydaan .
Waqtigii maamulkii madaniga ahaa ee jiray, ka hor inta uusan xukunka qabsan Golihii saree e kacaanka (Supreme Revolutionary Council) 1969-kii, waxaa jiray tiro xisbiyo siyaasadeed. Waxaa inta badan laga xasuusan karaa xisbiyadaas hore Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Somali Youth League, ahaana Urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee dalka, lana filayay inuu xukunka qabto. Golihiii sare e kacaanka uuna hogaaminayay Siad Barre, wuxu mamnuucay dhamaan xisbiyadii siyaasadeed, isagoo higsanayay nidaamka hanti-wadaaga cilmiyaysan(scientific socialism) ee ikhtiraaceen Marxism-kii China iyo isutaga Miwadawga Soviet Union.Kadib Dagaalkii sokeeeyey ee 1990s (civil war), dalkana laga saaray siyaad barre, inyar oo ka haray xisbiyadii faraha badnaa, waxay isugu tageen maamul goboleedyadii waqoooyi, inta soo hartayna waxay u kala jajabeen kooxo maleeeshadkii ka samaysmay koonfurta. Kadib dhowr iskudayo aan guulaysan oo dib u heshiiisyo qaran aha, waxa sandii 2004 la asaaasay, dawlad federal kumeel gaar ah(Transitional Federal Government) oo loo idmaday in dalka u samayso dastuuur cusub ahaatana mid loo dhanyahay. .[1]
Sanadkii 2011-kii, waxaa waqti kordhin loo sameeyey Madaxwaynihii xilligaaas, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa ilaa August 2012, Intaa kadibna waxaa la qorsheeyey inay diyaariyaan doorashooyin cusub. [2] Sida uu qorayay “Tub-raac logu dhamaystirayay kumeel-gaarka”, Madaxda Soomalidu waxay ku kulmeen magalada waqooyiga barre ee Garowe bishii Feberaayo 2012, waxaana looga hadlay qorshahi looga bixi lahaa kumeel gaarkanimada. Kulanka waxaa isugu yimi goob-joogayaal calaami ah madaxda Soomalida; Maxawaynihii dawlada ku meel-gaar ahaa Sharif shiikh axmad, Ra-isal waasare Cabdiwali Maxamad Cali, Gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Adan sharif xasan, Madaxwayaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole, Madaxwayanaha Galmadug Maxamad Aadan Caalin iyo Khalif Cabdulkadir oo matalayay Ahlu Sunnah Wal jama’a. Waxa lagu heshiiyay:
Doorashadii madaxwaynaha ee baarlamaaniga ahayd waxaa la qabtay septeembar 2012, taasoo lagu doortay Hassan Sheikh Mohamud madaxwayne. [5]
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)