Jalalaqsi

Jalalaqsi
Magaalo
Jalalaqsi is located in Somalia
Jalalaqsi
Jalalaqsi
Meesha kaga taalo Soomaaliya.
Wadanka Somalia
GobolkaHiiraan
DegmoJalalaqsi
Tirada dadka
 • Dhammaan11,800
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Jalalaqsi (mararka qaar loogu yeedho Jalalassi)[1] waa magaalo ku taala koonfurta-badhtamaha Gobolka Hiiraan ee wadanka Soomaaliya. Magaalada Jalalaqsi waxay dhacdaa meel u dhaxaysa Wabiga Shabeelle, Buuloburde iyo Jowhar.

Magaalada Jalalaqsi waxaa ku nool dad gaadhaya ilaa 11,800 qof.[2] Marka lagu daro Degmada Jalalaqsi waxaa ku dhaqan dad ka badan 46,724.[3]

Wakhtiyadii 1980kii waxaa magaalada Jalalaqsi ku yaalay afar xerro qoxooti ku waasi oo ay ku noolaayeen dad ka badan iaa 85,000 qof oo Soomaali ah. Wakhtigaasi waxay ahay magaalada Jalalaqsi mida sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Soomaaliya; waxaa ka dad badnaa keliya Muqdisho iyo Hargeysa.[4]

Jalalaqsi waa degmo ku taalla Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Waxaa mara Wabiga Shabeelle. Degmadaan waxay caan ku tahay beeraha galleyda,masagada,ama haruurka, Canbaha, Saytuun ama Zaytuun deegaan Shanfarood ama Maracood Bataatigaduud Loos Digir Sisinta iyo kuwo kale aan halkan lagusoo koobi karin. waxaa jalalaqsi hoos taga tuulooyinka Jaciir, Jamaaca Raaxaale, buulo jaro, buulo cariyaan,afgooye baadicadde,xamiir gaab,siibaay,afcad, ceelciid, qoryaale , ,fiidoow,tuulada iji,show, dheen, Baqdaad,Quracjafle, Maakko,Jinbileey,Dirgoys iyo kuwo kale.

Waxaa Jalalaqsi lagu tilmaamaa iney kamid tahay meelaha aysan si aad ah u saameyn dagaalada sokeeye inkastoo ay iska hor imaadyo badani kadheceen.

Dadka caanka ee ku noola

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Sidoo Kale Fiiri

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2013-02-09. Soo qaatay 2016-08-08.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) World Gazetteer
  2. . Tageo http://www.tageo.com/index-e-so-cities-SO.htm. Soo qaatay 4 October 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "Nuqul Archive" (PDF). UNDP. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 Bisha Todobaad 2017. Soo qaatay 21 September 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  4. De Montclos & Kagwanja, Journal of Refugee Studies Vol. 13, No. 2 2000: Refugee Camps or Cities? The Socio-economic Dynamics of the Dadaab and Kakuma Camps in Northern Kenya