Maalinta Madaxbanaanida | |
---|---|
![]() | |
Dadka | Soomaaliya |
Nooca | Maalin Qaran |
Sababta | Samaysankii Jamhuuriyadda Soomaaliya |
Loo dabaaldego | isku soo bax dadweyne, ciyaaro, iyo dabaaldeg |
Taariikhda | 1da Luuliyo ![]() 26ka Juun ![]() |
Xilliga | sanad kasta |
Maalinta Madaxbanaanida Soomaaliya (Af Ingiriis : Independence Day of Somalia) waa maalin qaran laga xuso wadanka Soomaaliya, iyo Deegaanada Somaliland.[1] Gobolada Waqooyi Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland ayaa 26 Juun 1960kii ka qaatay gumeeystihii Ingiriiska ee ka talin jirey British Somaliland. Maalmo yar ka dib, Koonfurta Soomaaliya ayaa madaxbanaanida ka qaadatey Italian Somaliland. Ugu dambeyn, 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobey Goboladii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo lagu aasaasay dowladii iyo maamulkii ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Guud ahaan, maanta waxaa wadanka Soomaaliya laga dabaaldegaa 1da Luuliyo oo ah maalinta Qaranka Soomaaliya; halka Somaliland laga dabaaldegaa 26ka Juun oo ah Maalinta Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Markey taariikhdu ahayd 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobay goboladii waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya halkaasi ooy ka dhalatey Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa markiiba talada wadanka loo caleemo saaray Mudane Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xubno kale oo ka kala socday labada deegaan ee midoobay. Markey taariikhdu ahayd, 20kii Luuliyo 1961kii waxaa la ansixiyey Dastuurka Soomaaliya (1961).[2]
![]() |
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |