Isuduwe: 10.090991, 43.009147
Quljeed waa Degmo ma ka mida degmooyinka Gobolka Awdal. Waxayna degmadda Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal u jirtaa masaafad dhan 30km dhinaca W/Galbeed.
Quljeed waa magaalo dhulbeereedka ku caan ah dalagyada ka soo baxana waxaa ka mid ah hadhuudhka , arabikhida Galley , cambaha , tamaandhada , qaji ama Basbaas , i.w.m . quljeed waxa kale eey caan ku tahay xaga xoolaha iyo dhuldaaqsimo Aad u balaaran . Quljeed waxa kale oo ay magaalooyinka Waawayn u dirtaa caanaha iyo qudaarta kala duwan . Quljeed waxa dhexmara dariiq isku xira magaaloyinka Jabuuti iyo Boorama . Quljeed waxa ay xad la leedahay Itoobiya dhenka galbeedka.
quljeed waxaa ka dashay dadka ugu dhaqan fiican oo ui ka mid yahay xuseen cali saban oo ku nanaysdheer (daabad) ilahay ha u naxaristo.
Quljeed Waxa ku taala Buur u jeeda dhanka Qiblada ee salaada loo tukado ama maka. Sidaa darteed ayaa magaca loogu bixiyey Qiblo-u jeed(Quljeed). Quljeed Waxay leedahay Taariikh Facweyn oo Ah in Ay Tahay Degmadii Ugu horeysay Ee yeelata Gobolka Awdal oo dhan Goob wax barasho Wakhtigii Ingriiska.